Ministry of Rural Development and Resilience

Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaardda ayaa kormeer ku tagay Tuulooyinka Hoosyimaada Deegaanka Awdiinle

Wasiirka Wasaardda Hormarinta Reer Miyiga iyo Adkaysiga Dowladda Koonfur Galbeed Dr Mohamed Ibraahim Nuur oo ay Wehliyaan Wasiir ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Deeganka Awdiinle Ibraahim Mohamed Nuur (Kalaay) ayaa Kormeer ku Tagay Tuulooyinka Hoosyimaada Deeganka Awdiinle ee Gobolka Baay.

The Ministry has announced a new partnership with the United States Agency for International Development (USAID).

The Ministry of Rural Development and Resilience in Southwest State, Somalia, has announced a new partnership with the United States Agency for International Development (USAID). The Minister recently met with the USAID team in Nairobi to discuss collaborative initiatives focused on rural development, recovery, and resilience. “This partnership is a significant step forward in our mission to build a prosperous and sustainable future for our rural communities,” the Minister stated. “We look forward to working with USAID to achieve our shared goals.” The partnership will support a range of projects aimed at strengthening rural communities in Southwest State, including efforts to improve agricultural productivity and access to essential services. “By combining our expertise and resources, we believe we can make a meaningful impact,” said the USAID representative. The announcement has been welcomed by local leaders, who see this as an opportunity to drive positive change in rural areas.

Wasiirka Iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda oo si balaarran loogu soo dhaweeyay deegaanka Awdiinle

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga iyo Adkeysiga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Mohamed Ibraahim iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, Xildhibaano iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa lagu soo Dhaweeyay Deeganka Awdiinle ee Gobolka Baay. Guddoomiyaha Deeganka Awdiinle ibraahim Maxamed Nuur Kalaay iyo Xubno ka Tirsan Maamulka ayaa Wafdiga Wasiirka Hogaaminayey kusoo dhaweeyay Awdiinle Socdaalka Wasiirka oo ahaa ukuuragelida Baahiyaha ka jira Deeganka Awdiinle ayaa Booqday Dhismaha Xarumaha Dowladda sida Saldhiga Booliska, Xarumaha Waxbarashada iyo Caafimaadka Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la qaatay Odeyaasha,Ganacsatada iyo Haweenka isagoona la Wadaagay Socdaalkiisa oo ku Qotoma Horumarinta Reer Miyiga iyo Dardargelinta Adeegyada Hortabinta uleh Bulshadda.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga iyo Adkeysiga ayaa ka qeyb galay munaasabadda 1-da Luulyo

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga iyo Adkeysiga ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr. Mohamed Ibrahim Nor ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kagala qeybgalay Masuuliyiinta Dowladda iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Munaasabada 1-Luulyo 64-Guuradii kasoo Wareegatay markii ay Xuroobeen Gobolada Koonfureed ayna midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koonfur.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga iyo Adkeysiga ayaa waxa uu ka qeyb galay shirka golaha wasiiradda

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga iyo Adkeysiga ee Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya mudane Abdulkadir Ibrahim Abdullahi ayaa maanta waxa uu ka qeyb galay Shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed oo looga hadlay xaaladda Guud ee Deeganada Koonfur Galbeed.