Ministry of Rural Development and Resilience

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga iyo Adkeysiga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Mohamed Ibraahim iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, Xildhibaano iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa lagu soo Dhaweeyay Deeganka Awdiinle ee Gobolka Baay.

Guddoomiyaha Deeganka Awdiinle ibraahim Maxamed Nuur Kalaay iyo Xubno ka Tirsan Maamulka ayaa Wafdiga Wasiirka Hogaaminayey kusoo dhaweeyay Awdiinle

Socdaalka Wasiirka oo ahaa ukuuragelida Baahiyaha ka jira Deeganka Awdiinle ayaa Booqday Dhismaha Xarumaha Dowladda sida Saldhiga Booliska, Xarumaha Waxbarashada iyo Caafimaadka

Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la qaatay Odeyaasha,Ganacsatada iyo Haweenka isagoona la Wadaagay Socdaalkiisa oo ku Qotoma Horumarinta Reer Miyiga iyo Dardargelinta Adeegyada Hortabinta uleh Bulshadda.